6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Afhayeenkii madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay eedayntii wasiirka Gaashaandhigga
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Afhayeenkii hore madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa beeniyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya loo beddelo hotelo ganacsi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga.

Cabdirashiid Xaashi oo haatan ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay mid been abuur ah.

Waxa uu sheegay hadalka wasiirka inuu yahay mid lagu xalaalaysanayo qorshaha hadda socda ee qabuuraha Iskuul Buulisiya ay dowladda kula wareegayso, isagoo sheegay inuu yahay qorshe ganacsi iyo boob ka dhan ah hantida dadweynaha.

“Warkii xalay dowladda kasoo yeeray wuxuu ahaa mid aan runta ku salaysnayn. Waxaa xaqiiq ah in dowladda Xasan Sheikh ay caan ku noqotay, qabyaalad, musuq iyo been abuur," ayuu yiri duqa.

Cabdirashiid Duqa waxa uu sheegay in dowladdii madaxweyne Farmaajo ay si dhameystiran dhulkii danta guud ugu wareejisay dowladda hadda jirta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kula xisaabtaam dowladda sababta dhulka guud cid gaar ah loogu wareejinayo, sida uu hadalka u dhigay.