6/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 13, 2024
Madaxweyne Qoorqoor "Waxaan soo bandhigi doona cadeymaha dadkii ka dambeeyay hurinta Dagaalkii Waqooyiga Galgaduud"
 

Khamiis, Juun, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay galinkii dambe kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Dir oo Sabtigii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal ay isaga dileen ku dhawaad 100 ruux.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa labada dhinac ugu baaqay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaada u dhaxeysa, taasoo uu sheegay iney taalo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug, wuxuuna ku booriyay labada dhinac iney isla qaataan nabad waarta si looga fogaado isku dhacyada soo noqnoqday.

“Waxaan rabnaa in loo diyaar garoobo go’aankii aan wada qaadanay, gogoshiina lala yimaado, si nabadd salka loo dhigo. Cadow badan bay nabaddu leedahay waxaan rabnaa dhinac walbana inuu xagiisa ku filnaano oo adkeeyo oo aanay biyo deys yeelan, dhamaadkuna uu noo noqdo haddii Ilaahay yiraahdo gogoshii oo si buuxdo looga soo qaybgalo si Kala sheegashada, tabashooyinkii iyo dhibaatadii dhacday doodeedu la iskula meel dhigo" ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Qoorqoor in dagaalkii dhacay uu ahaa mid aan iska dhicin oo uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin  ka dhex raadinayay dano siyaasadeed.

"Waxa dhacay waan isla ognahay oo wax baa la wada fahmayaa oo wax iska dhacay keliya ma ahanee, wax laga shaqeynayay oo fursad laga dhex raadinayo oo dano siyaasadeed laga leeyahay oo aan ka soo baxeynin meesha ayay ahayren, dadkii ra’yigooda sidaas tusay oo ay tahay aragtidooda sida ay u gaaban tahay iyo sida ay u qariban tahay, ayagaas ayaa waxaan rabnaa inaan Ilaahay ka nabadgalno oo iska qabano, lagana feejignaado" ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Galmudug ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ku dhintaan meel duur ah aan waxba oolin, isagoona sheegay in hay’adaha amaanka ay hayaan cadeymo la xariira kuwii ka shaqeeyay dhibaatada ee colaada huriyay dhaqaalahana ku bixiyay in la soo bandhigi doono.

“Waxyaabaha dhacay hay’adaha baarista kuli waa hayaan, meelo badan oo waxyaabaha dhacay ka mid ah caddeyntooda ayaa la hayaa dadkii waxaas ka shaqeeyay, colaadda huriyay, xoolana ku bixiyay caddeyntooda waa la hayaa, waana la soo bandhigi doonnaa waqtiga ku habboon, haddii Ilaahay yiraahdo. Hay’adaha amniga ayaa soo bandhigi doona, loogana hari maayo" ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya, iyadoo deegaanada maamulkaas ay ku soo laablaabteen dagaal beeleedyada dhexmara qaar ka mid ah beelaha wada dega deegaanada maamulkaas oo isku qabta muruno ka dhasha lahaansho dhul daaqimeed.