6/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2024
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib loo fasaxay mashaariicdii ka xanibnayd maamulka Puntland

Isniin, Juun, 10, 2024 (HOL) - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa sheegay dowladda federaalku inay dib -u-bilowday mashaariicda horumarineed ee horay uga socday degaanada Puntland.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, in maamulka Puntland uu horey si iskiis ah u hakiyay in mashaariicdan laga fuliyo degaanada Puntland, balse hadda uu  ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Sida uu sheegay wasiirku, Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP, ayaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka, balse dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskiis ah uga hakiyay  ka fulintiisa deegaanada hoos yimaada maamulkooda, sida uu sheegay wasiirku.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan ,Waxaana ku dadaaleynaa in mashaariicdan loo fuliyo si hufan oo caddaalad ah, iyadoo la gaarsiinayo kuwa u baahan oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Warkaan dowladda kasoo baxay, ayaa kusoo beegmay, maalin kaddib markii ay Puntland beesha caalamka u dirtay warqad ay kaga cabanayso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siyaasadaysay mashaariicdii beesha caalamka ay ugu talo galeen in lagu taageero Soomaaliya.

Puntland ayaa ka codsatay in qoondadeeda dhaqaale aan loosoo marsiinin dowladda Federaalka.