6/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2024
Guddiga xal u raadinta dagaal beeleedka Waqooyiga Galgaduud oo soo saaray amaro adag

Isniin, Juun, 10, 2024 (HOL) - Xubnaha guddigan uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka kooban heer wasiiro ah, islamarkaana loo xilsaaray daminta colaad beeleed khasaare badan geysatay ayaa soo saaray amaro cusub.

Amarada ay soo saareen guddiga ayaa dhamaan quseeya dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Laandheere ee u dhaxeeya magaalooyin Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Abshir Sheekhow oo bayaanka u akhriyay Warbaahinta ayaa sheegay in guddiga ay farayaan dhinacyada dirirtu dhexmartay iney adkeeyaan xabad joojinta la kala dhex dhigay, islamarkaana ay tagaan goobaha loo qoondeeyay qola walba.

Bayaanka kasoo baxay guddiga ayaa sidoo kale digniin adag waxaa loogu diray siyaasiyiinta, taasoo ah iney isaga fogadaan waxyaabaha ay danahooda kaga dhex raadinayaan sii hurinta dagaal beeleedka.

 Hoos ka daawo bayaanka oo faahfaahsan:-