7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Kaalmada Turkigu na siiyo lama socoto ujeeddooyin gaar ah sida kaalmooyinka kale
 

Jimco, Luulyo, 5, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga kaalmada ay siiso Soomaaliya in ay tahay kaalmo aan dano gaar ah laga lahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Turkigu yahay waddanka kaliya ee taageero muuqata ka geystay Soomaaliya. Waxa uu sheegay taageeradiisa in ay tahay mid aan lahayn ujeeddooyin wax loogu dhimayo midnimada dalka.

‘Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga hallaa la jirta, Sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna  lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay hubkii dhawaan lagusoo bandhigay xuska Kowda Luul in ay ahayd qeyb kamid ah taageerada Turkiga.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu sheegay intii lagu guda jiray xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee leyliga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaray dugsiga Turksom