7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2024
Ciidamo ka socda Galmudug iyo Puntland oo la wareegaya goobihii lagu dagaalamay ee Galbeedka Mudug
 

Jimco, Luulyo, 5, 2024 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay hirgashay xabbad joojintii ay ka dhex wadeen maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ku dagaalamayay Galbeed Mudug.

Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Aadan Gaboobe, ayaa sheegay, in ciidamo ka socda madaxtooyada Galmudug la geeyay goobihii lagu dagaalamay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamo ka socda madaxtooyada Puntland la sugayo inay soo gaaraan goobaha lagu dagaalamay.

Wasiirka amniga Galmudug wuxuu sheegay in labada beelood ay soo xusheen min 13 odey dhaqameed, kuwaas oo ah guddiyada nabadeed ee ka wada hadlaya sidii lagu dhameyn lahaa colaadda ka taagan degaanada Galbeed gobolka Mudug.

Wasiir Gaboobe wuxuu sheegay inay rajo aad u weyn ka qabaan in lasoo afmeero colaadda labada beel ka dhex taagan. Isagoo sheegay in labada maamul ay door weyn ku yeelan doonaan masuuliyadda dhaqan galinta heshiisyada nabadeed ee ay gaaraan labada beelood.

“Waxaan ka wada hadalnay in markii shirkaas noo dhameystirmo in maamaladu qaataan masuuliyadda degaamadooda, oo ciidamo inta loo sameeyo qofkii dambiile ah ee dhib geystay lasoo qabto,” ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Galmudug.

Inkastoo wasiirku uu sheegay in xabbad joojinta la dhaqan galiyay, haddana weli labadii maleyshiyo beeleed ee dirirtu dhexmartay ayaa isku horfadhiya degaanadii lagu dagaalamay.