7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2024
Abiy Ahmed: Hal saac ayaa lagu dhamayn karaa Khilaafka Ethiopia iyo Soomaaliya. looma baahna in ay Soomaaliya ku wareegto adduunka
 

Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa sheegay in aan loo baahneyn in  Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa faragalin ay Ethiopia ku hayso midnimada Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo maanta la hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa  wuxuu sheegay, in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.

"Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dowladda Soomaaliya ma jirto, Laakiin taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya waxay dooratay inay adduunka kusoo wareegto oo na eedeyso,” yuu yiri RW Abiy.

“Taladaydu waa, lacag ha khasaarinina; “Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo, iyadoo ay suurtagal tahay in Addis Ababa noogu timaadid. Waxaan diyaar u nahay wadahadal, ayuu yiri raysal wasaaraha, isaga oo intaas ku daray in qarashka Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1km oo Muqdisho laga dhiso oo ay Shacabka faa’iideysan doonaan.

Raysal Wasaare Aby Ahmed ayaa sheegay in ay Soomaaliya u hureen nabad, isamarkaasna xisbiga talada haya ee dalkiisa uu muujiyay ixtiraamka uu u hayo Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxa uu xusay in ay awood siiyeen Soomaaliya, islamarkaasna aysan wax su’aal ah ka qabin arrimaha mdinimada Soomaaliya.

“Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya; uma hureen caruurteedii” hadday taas rabto,” ayuu yiri Aby Ahmed.

Isagoo ka hadlayay heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee 01-kii Janaayo (MoU) ee Somaliland, Abiy ayaa sheegay in la saxiixay ka dib markii Itoobiya ay heshiiskaas hor dhigtay dhammaan dalalka deriska.