7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal sifeyn ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Nuur gare ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana tiro intaas ka badan lagu dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha hore  dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xubnaha Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay ay ku dhuumaaleysanayeen deegaankaas.

Howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalintii sadaxaad madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu u tagay madaxweynaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta Al-shabaab ka soo furteen ku dhowaad 20 gaari oo kooxdu ka rabtay iney ka qaadato lacago madax furasho ah.