7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2024
Midowga Yurub oo sheegay in burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan
 

Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (HOL) - Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa fursad u noqotay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo burcad badeedda tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan, sida uu sheegay taliyaha howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sanadkii hore bilaabay inay weeraraan maraakiibta ku sugan badda cas si ay ugu cadaadiyaan Israel iyo xulafadeeda inay joojiyaan dagaalka marinka Qaza.

Vice Admiral Ignacio Villanueva, taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee u xilsaaran xakamaynta budhcad-badeedda, ayaa sheegay, burcad badeeddu in ay ka xooggan yihiin sidii horey loogu aqoon jiray.

Villanueva waxa uu sheegay in weerarrada burcad badeedda ay fulinayaan kooxo si fiican u hubaysan, u  abaabulan oo tiro ahaan ka badan sidii hore.

"Waxaan la kulannaa 25 ama 30 burcadbadeed ah oo isku weerar ah," ayuu yiri Villanueva. "Burcad badeeddu waxay si fiican u adeegsanayaan telefoonada dayax-gacmeedka iyo hubka culus,” ayuu yiri Ignacio.

Bishii la soo dhaafay, falaagada Xuutiyiinta ayaa qaaday tiradii ugu badneyd ee weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, iyadoo lala beegsaday 16 markab, sida lagu sheegay xogta ay daabaceen ciidamada badda ee ka howlgala gobolka.