7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2024
Ciidanka dowladda oo Al-shabaab ka soo furtay Gaadiid badan oo ay madax furasho ka rabeen

Arbaco, Luulyo, 3, 2024 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka oo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ciidamada kusoo furteen gaadiid ay madax furasho u haysteen kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay sidoo kale Afhayeenka in howlgalada ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn looga xureeyey kooxda Al-shabaab dhul balaaran, islamarkaana nolosha lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda.

“Waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas. Howlgaladaas waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah" ayuu yiri Afhayeen Abuukar Maxamed Xasan.

Afhayeen Abuukar Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in kooxdu gaadiidkaan laga soo furtay ay ka dooneysay midkiiba lacag dhan 300 oo doolarka Mareykanka ah oo aysan awoodin gaadiidleyda, taasoo keentay in dhowr maalmood halkaas ku xayirnaadaan gaadiidka laga soo furtay gacanta Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan laga fuliyey dhul dhan 70 KM, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidamada xoogga dalka ee naftooda u huraya iney kala shaqeeyaan amniga.