4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2024
Golaha Sare ee Arimaha Islaamka Itoobiya oo qeylo dhaan ka soo saaray weerarada lagu hayo muslimiinta Axmaarada
 

Talaado, April, 9, 2024 (HOL) - Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada ba'an ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Axmaarada.

Dhacdooyinka naxdinta leh oo ay ka mid yihiin dilal arxan darro ah, qaraxyo iyo afduub, ayaa cabsi ku beertay shacabka Muslimiinta ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa faah faahin ka bixiyay weerar argagax leh oo ka dhacay magaalada Bahir_Dar, halkaasoo salaadii maqrib kadib si naxariis darro ah loogu toogtay dad aan waxba galabsan.

Intaas waxaa dheer, dhacdooyin rabshado ah oo ka dhacay magaalooyinka Mota iyo Gonder ayaa argagax geliyay shacabka.

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa sidoo kale iftiimiyay dhimashada naxdinta leh ee ku dhimatay in ka badan 80 qof, iyada oo ay jiraan dad badan oo barakacayaal ah oo loo gaystay dambiyo aad u fool xun.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay, sida uu Goluhu sheegay, waxay dhacday 07-dii Abriil, 2024, magaalada Bahir Dar, ee xarunta gobolka Axmaarada. Afar qof oo ka kooban hal qoys iyo deriskooda ayaa lagu soo waramayaa inay si arxan darro ah u dileen dabley hubeysan, xilli ay ku soo laabanayeen guryahoodii ka dib markii ay ka soo qeyb galeen salaada masjid ku yaala deegaanka.

Goluhu waxa kale oo uu soo xigtay warbixino sheegaya in qof muslim ah lagu dilay magaalada Mota iyo sidoo kale toogashooyin joogto ah iyo qaraxyo lala beegsaday masaajidyo ku yaalla magaalada Gonder.

Dagaalka Axmaarada ee ka socda Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa biloowday bishii April 2023, wuxuuna dhexeeya ciidamada gobolka Axmaarada oo ay weheliyaan maleeshiyada Fano, iyo dawlada Itoobiya.

Iska horimaadka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Itoobiya ay duulaan ku qaadeen Gobolkaas si ay hubka uga dhigaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo xulafada kale ee gobolka, taasi oo keentay in ay iska caabin kala hortagaan ciidamada hubaysan ee deegaanka iyo mudaaharaadyo isdaba joog ah oo ka dhacay magaalooyinka Gondar, Kobo, Sekota, Weldiya iyo magaalooyin kale.