5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2024
Taliyaha Hay'adda Nabadsugida oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka la dhigto

Sabti, April, 27, 2024 (HOL) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday xadka gobolada Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe iyo isbaarooyinka la dhigto.

Taliyaha hay’adda Nabadsugida ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaal beeleedyada soo laablaabtay, isagoo nasiib daro weyn ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega labadaas gobol.

“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah ama masuul ah oo ku farasan ma jiro wixii dhacay, waana arrin nasiib darro ah, Annaga hal col ayaa noo yaallo ee annaga col iskuma lihin saan aaminsanahay waaye" ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay waxgaradka beelaha colaada u dhaxeyso iney ka shaqeeyaan sidii deegaanka loogu wada noolaan lahaa nabada.

“Rag gogishiisa waa nabad waxaa la yiri nabadaa naas la nuuga leh, haddana waxaa la yiri markii ay nabadi jirto nin walba laba nin, ee aan ka shaqeyno nabada deegaanadaan oo ad ogtihiin sida lagu wada keenay"ayuu yiri Taliyaha.

Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Fedaraalka aysan marnaba aqbali doonin wixii hadda ka dambeeya in isbaarooyin la dhigto deegaanada maamulka Hirshabeelle oo xusay iney yihiin meelaha ugu badan oo ay yaalaan isbaarooyinka.

“Hadda Ilaahey yiraahdo qabiil ay meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkeyga iska dheh maahinee waxaan jecelahay inay fulino,” ayuu yiri taliye Sanbaloolshe.

Hadalkaan ayuu Agaasimaha NISA ka sheegay goob lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ku yaala xadka ay wadagaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, gaar ahaan Moqokori iyo Aadan yabaal, waxaana howlaha nabadeynta ku wehlinaya taliye Sanbaloolshe masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo hogaamiyaha ciidanka Macawiisleyda Cali Jayte Cismaan.