5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya xuska sannad guurada 60-aad ee midowga Tanzania
 

Jimco, April, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Dar es Salaam ee caasimadda Tanzania, isla markaana xarun u ah Ururka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doono xuska sanad guurada 60-aad ee midowga Tanzania iyo qarannimadeeda. Inta uu joogo halkaas Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Tanzania.

Wadahadallada ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal, dardargelinta ku biiritaanka Soomaaliya ee qaab dhismeedka dhaqaalaha Geeska Afrika, iyo kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macalin Fiqi oo qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha, ayaa sheegay, in labada dal ay gali doonaan heshiisyo ku saabsan, warfaafinta , caddaaladda iyo arrimaha dibadda.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegayin  heshiisyada la saxiixidoono ay yihiin kuwa lagusoo bandhigay shirarkii ugu dambeeyay ee golaha xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Tansaaniya ku ammaantay inay ay gacan ka geysatay xubinnimada Soomaaliya ee dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).