5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Shabakad si sharci darro ah ku buufineysay Bajaajyada


Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ku eedeysan iney si sharci darro ah u buufinayeen Mooto Bajaajyada Muqdisho uga dhex shaqeysta magacyada kala ah A iyo B.

Howlgal qorsheysnaa oo ciidanka ay ka sameyeen degmada Xamar jajab ayay kusoo qabteen shabakadaan iyagoo ku howlanaa buufinta sharci darrada ah ee Bajaajyada oo horay amar culus ugu soo saaray maamulka gobolka Banaadir.

"Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga X/jajab oo ku guda jiray Howl MaalMeedkooda ayaa Shabakadan Gacanta Ku soo dhigay" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Shabakadaan ayaa ciidanku kasoo qabteen goob ay si dhuumaaleysi ah ugu buufin jireen Bajaajyada, waxaana qoraalka kasoo baxay Booliiska lagu sheegay inu socdo Baaritaan ku aadan falkaan sharci darada ah iyo mudadii ay ku guda jireen kooxdan oo aan la shaacin tiradooda.

Soo qabashada shakabadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo horay naamulka gobolka Banaadir arintaan ugu soo saaray sharci mamnuucaya in Mootooyinka lagu buufiyo hab qarsoodi ah, islamarkaana in cidii lagu arko ku qaraabashada magaca dowladda hoose ee Xamar iney la tiigsan doonaan sharciga.