5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2024
Maamulka gobolka Banaadir iyo Hay'addaha amaanka oo ka shiray amniga Muqdisho
 

Sabti, April, 20, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka qabsoomay shir gaar ah oo looga hadlaayay amaanka guud ee Muqdisho iyo sidii looga hortagi laha falalka lidiga ku ah amniga Caasimadda.

Shirkaan ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana ka qeyb galay dhamaan madaxda hay'addaha amniga oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Amniga XFS Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha ciidanka Booliska Sulub Axmed Firin, Taliyeyaaasha qaybaha Boliiska iyo Nabad sugida gobolka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigayada gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa intuu socday waxaa lagu gorfeeyay daadajinta amniga magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran iyo waliba sidii looga hortagi lahaa khatar kasta oo dhinaca amniga ah, waxaana shirka layskula meel dhigay in la iskula xisaabtamo dhibaato kasta oo amni ee ka dhacda Muqdisho.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud uu guddoomiyay shirkaan oo kale oo looga hadlay amniga guud ee Caasimadda Muqdisho.

Kulamadaan looga arinsanaayo amniga Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho ay ka yaraadeen weeraradii iyo qaraxyadii kooxda Al-shabaab ka geysan jirtay qeybo ka mid ah gudaha magaalada.