5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2024
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose
 

Jimco, April, 19, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab, Ururka 162-aad iyo ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa deegaano hoostaga degmada Jamaame ka fuliyay howlgal khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ciidamada waxay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka wabiga Jubba, kuwaas oo kala ah Jiimay, Bangeeni iyo Bandar jadiid oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu shaaciyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, islamarkaana sidoo kale howlgalka lagu qabtay xubno nool oo ka mid ah kooxda.

"Howlgalkan ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay qasaare lixaadleh iyadoo laga laayay ina kabadan   30   oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, iyada oo maxaabiis dhaawac ah iyo kuwa kaleba gacanta looga dhigay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan ah oo ay ku beegsanayaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Jubbooyinka.