4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2024
Kenya oo maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu doonayay inuu Daacish ka aas aaso Kenya
 

Sabti, April, 13, 2024 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika.

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016.

Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya.

Xukunkiisa ayaa loo qorsheeyay inuu dhaco Abriil 22, 2024.