4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Dhacdo Argagax Badan Mu'adin Masaajid oo Baangad ku dilay Imaamkii Masaajidka
 

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax badan ku beeray dadka ku nool deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo uu geystay nin Mu'adin Masjid ahaa, islamarkaana dil u geystay imaamkii Masaajidka.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib muran soo kala dhex galay Mu'adinka Masaajidka iyo wiil yar oo gacan yare u ahaa Imaamka la dilay, iyadoo ninka Mu'adinka ah uu dilka ku geystay Baangad af badneyd.

Dhacdada la yaabka badan ayaa ah in Mu'adinka dilka geystay uu saakay aqimay Salaadii Subax, iyadoo Imaamka la dilayna uu saakay tujiyay Jameecada Masaajidka ku tukatay Saaladii Subax.

Allaha u naxariistee Imaamka la dilay ayaa  lagu magacaabi jiray Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle, halka Mu’adinka dilka geystay isna magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen oo la sheegay in dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

“Saaka Garasbaaley shaqaaqo aan la yaabnay ayaa ka dhacday laba nin oo masaajidka midna imaam ka ahaa midna mu’adin ayaa is gacan saaray, waxaana la dilay imaamkii masjidka labaduba salaadda subax mid waa aqimay midna dadkii ayuu tujiyay” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Garasbaaley.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen dadka deegaanka in dilkan argagaxa badan uu ka dhashay sawir la qaaday oo aanan la shaacin nooca uu ahaa sawirka la sheegayo ee sababta u noqday inuu dhinto Imaamkii Masaajidka, islamarkaana uu dhaawacmo wiilka yar oo kabiir ka ahaa dugsi uu dhigayay Imaamka dhintay.

“Waxa wax dilay waa mu’adinka waxa la dilayne waa imaamkii marka salaadda subax laga kala baxay oo laga kala tegay waxaa ku haray isaga iyo ninka imaamka ahaa oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi Qur’aan iyo gacan yaraha imaamka oo isna kabiir ka ah dugsiga, kadibna wiilka kabiirka iyo ninkaan wax dilaayo ayaa diriray sawir laga qaaday ayaa la’isku qabtay kadib ninkaas canuga ayuu dili rabay imaamkii canuga ayuu isku hordhigay shan baangad ayaa ku dhacday meesha ayuuna ku ruux baxay" ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Garasbaaleey.

Dilkaan argagaxa leh oo saakay ka dhacay gudaha Masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaley ayaa ah mid si weyn loo hadal haayo, maadama uu yahay dil noociisa ugub ku ah dadka Soomaaliyeed.