4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Sacuudiga oo dadka ajnabiga ah u oggolaanaya inay iibsadaan dhammaan noocyada hantida maguurtada ah
 

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay dejiso shuruucdeeda lahaanshaha hantida ee ajaanibta iyadoo Boqortooyada ay indhaha ku hayso inay soo jiidato maalgashi ay ku sameyso qaybta hantida maguurtada ah taasoo qayb ka ah istaraatiijiyadeeda ay kor ugu qaadayso dhaqaalaheeda.

"Sharciga cusub ee u oggolaanaya dadka ajnabiga ah inay iibsadaan dhammaan noocyada hantida maguurtada ah, wuxuu ku jiraa heerkii ugu dambeeyay waxaana lagu soo bandhigi doonaa muddo gaaban gudaheed," ayuu yiri madaxa maamulka guud ee guryaha ee Boqortooyada, Abdullah Alhammad.

Tani waxay timid ka dib markii Sacuudi Carabiya ay soo saartay awaamiir sanadkii 2021 u ogolaanayay dadka aan Sucuudiga ahayn, ee haysta deganaanshaha sharciga ah ee waddanka, inay iibsadaan hal guri oo leh shuruudo.

Laakiin Sacuudigu wuxuu tilmaamay in sharciga cusub uu noqon doono mid ka ballaaran kan hadda jira ee lahaanshaha hantida maguurtada ah maadaama ajaanibtu ay awoodi doonaan inay iibsadaan nooc kasta oo hanti ah oo ay ku jiraan ganacsi, degaan, iyo beero si waafaqsan xeerarka.

Sharcigii hore ayaa ka mamnuucayay dadka ajnabiga ah inay ka iibsadaan guryaha magaalooyinka barakeysan, laakiin hadda sharcigan cusubi wuxuu muujineyaa inuu u ogolaanayo ajaaniibta inay hanti ku yeeshaan meel kasta oo Boqortooyada ah, oo ay ku jiraan Makkah iyo Madinah.

Sacuudigu wuxuu caddeeyay in walaaca ku saabsan saamaynta taban ee lahaanshaha shisheeye ee hantida ay horay ula socdeen iyadoo xal laga gaaray dhibaatooyinka iyo dhaqamada aan la aqbali karin.

Sacuudi Carabiya waxay raadineysaa inay wax ka beddesho qaybteeda hantida maguurtada ah iyada oo keeneysa sharciyo cusub oo ka dhigaysa mid soo jiita maalgashadayaasha ajnabiga ah.