4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2023
Garaadada Laascaanood ku sugan oo sheegay in ay aqbaleen xabad joojin

Arbaco, Maarso, 29, 2023 (HOL) - Isimada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay aqbaleen xabad joojin ay ka codsadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho.

Suldaan Mustafe Awseed oo ku hadlay afka garaadada ayaa sheegay in ay dhinacooda aqbaleen xabad joojin ay ka codsadeen odayaal dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho oo isku xilqaamay xal u helista colaada Laascaanood.

"Waxa ay noo sheegeen in ay doonayaan nabad, in ay doonayaan dhiiga dadka muslimiinta ah in ay kala bad baadiyaan, in ay doonayaan xabad joojin, anaguna waanu ka aqbalay, waananu soo dhawaynay, wixii farsama ahna in laga wadahadlo dhinicii kalena ay la aadaan" ayuu yidhi Suldan Aw Seed.

Waxa uu sheegay in uu ku rajo wayn yahay in dhexdhexaadinta ay odayaashu isku xilqaameen ay guulaysato, isla markaana ay magaalada Laascaanood noqoto goob nabdoon oo dadkii ka baro kacay ay dib ugu soo noqdaan.

Madax dhaqameedka oo Muqdisho uga yimid in ay gacan dhexdhexaadineed ka gaystaan colaada Laascaanood, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe kadib 2 cisho oo ay ku sugnaayeen Laascaanood.

Waxa la filayaa in ay dhawaan u safraan magaalada Hargaysa, si ay ula kulmaan xukuumada Somaliland, oo ay ugu soo bandhigaan waan waanta ay wadaan.