4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2023
Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo khatar weyn ku tilmaamay biyo xireenka Ethiopia ka waddo webiga Niil
 

Khamiis, Maarso, 9, 2023 (HOL) - Wasiirrada arimaha dibbada ee dowladaha jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen biyo xireenka halka dhinac ee ay dowladda Itoobiya ka waddo webiga Niil.

Bayaan ay soo saareen wasiiradan, kuwaas oo shir ku yeeshay magaalada Qaadira, ayaa waxay ku sheegeen, in biyo xireenka Ethiopia uu khatar weyn ku yahay ku-tiirsanaanta Masar ee biyaha webiga Niil

Wasiirada Arrimaha Dibadda waxay muujiyeen sida ay jaamacadda Carabta diyaarka ugu tahay inay difaacdo danaha Carabta ah, iyadoo dejisay aragtiyo ku saabsan xiisadda ka taagan Ukraine, hubka nukliyeerka, isbeddelka cimilada, iyo arrimaha dakalka Carabta.

Jaamacadda Carabtu waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto inay la xiriirto dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay u taageeraan geeddi-socodka nabadda iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa doonaysa inay dalalka Carabta ku qanciso Itoobiya inay aqbasho heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta biyo xidheenka webiga Niil.

Dowladda Itoobiya ayaa biyo-xireen ka dhisaya webiga Niil, taasoo Masar ay ka cabsi qabto inay hoos u dhigto saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha wabiga.

Isagoo ka hadlayay shirka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Sameh Shoukry, ayaa sheegay inuu doonayo in dalalka Carabta ay ku cadaadiyaan Itoobiya inay aqbasho mid ka mid ah xalalka tanaasulka  ah ee lagu soo bandhigay miiska wada xaajoodka arrintan.