5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo Alshabaab ka xoreeyay degaano cusub

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay baahisay warbaahinta Dowladda oo soo xiganaysay saraakiil ciidan, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay jab loogu geeystay weerarka lagu qaaday saldhigyadoodii deeganadaas.

Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta ee degmada Galcad, halkaas oo caawa la sheegay inay ku hareeraysan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka.

La wareegidda degaanada cusub ayaa kusoo beegmatay labo maalin kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqday degmada Aadan Yabaal, halkaas oo uu uga dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta degaanada Shabaabku haystaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa guul weyn ka gaaray wejigii koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Ciidanka XDS ay guulo ka gaari karaan marxaladda soo socota.