5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dagaal ku dhex maray gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Siti ayaa sheegaya in uu magaalada Asbuli uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya dad hubaysan oo ka kala tirsan Soomaalida iyo Canfarta, sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta.

Dagaalkan oo galinkii hore ee maanta billowday ayaa dadka degaanku waxay sheegayaan in Ciidamada Liyuuga Canfartu iyo maleeshiyaadkoodu ay maanta soo weerareen Ciidamada Liyuu booliska Soomaalida iyo dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Asbuli oo ka tirsan gobolka Siti ee degaanka Soomaalida.

Xaaji Cali Muuse Xasan oo kamid ah Odayaasha gobolka Siti ayaa Warbaahinta la wadaagay in dagaalkan uu sababay dhimasho iyo dhaawac u badan Ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida iyo Shacab, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Asbuli ee gobolka Siti oo ah goobtii uu dagaalka Soomaalida iyo Canfartu ka billowday.

Dadka degaankaas ayaa inta badan aaminsan in dowladda dhexe ee Itoobiya gaar ahaan Ciidamada Fedaralku ay marwalba la safan yihiin ama taageeraan Ciidamada Liyuu Booliska Canfarta, iyadoo hadda ka horna uu Ugaaska beesha Ciise uu Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Fedaralka Itoobiya ay qayb ka yihiin colaadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaalkan maanta ayaan wali la ogaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, iyadoo ay adag tahay in ilo madax banaan laga helo xogta rasmiga ee dagaalkan maanta ka bilowday Asbuli ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.