5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Shir looga hadlaayay Xaalada degmada Baardheere oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan ay isugu imaadeen Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha Bini’aadannimada oo looga hadlaayay xaalada magaalada Baardheere oo dhawaan daadad sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed ay ka dhaceen.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin, Madaxa isku xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna ku xigeenka madaxa Qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin ku saabsan xaalada bini'aadanimo ee degmada Baardheere loo dhageystay gudoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dhawaan safar shaqo halkaas ku tegay markii ay daad ku dhufteen gudaha degmadaasi.

Masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan looga hadlaayay wax ka qabashada xaalada Bini'aadanimo ee ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha biyaha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo shacabka ku nool degmada Baardheere ay wajahaan xaalado nololeed, kadib daadad xoogan oo ka dhashay roobab ka da'ay degmada iyo nawaaxigeeda oo sababay dhimashada dad ku dhaw 20 ruux iyo barakac baahsan.