5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2023
Xildhibaan Sambaloolshe oo dhaliilay qorshaha wajiga labaad ee la dagaalanka Shabaab iyo wasiirka Gaashaandhiga oo ka jawaabay eedeyntaas
 

Talaado, Maarso, 28, 2023 (HOL) - Iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee ku aadan iney bilaawdo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ayaa hadana waxaa soo baxaya dhaliilo ku aadan hanaanka dowladda u wajaheyso wajiga labaad ee howlgalka.

Taliyahii hore ee Hay'adda Nabadsugida Qaranka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa si adag u dhaliilay hanaanka ay qorsheyneyso dowladda iney ku wajahdo wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Xildhibaan Sambaloolshe ayaa sheegay in dowladda ay badaleyso istaraatiijiyadii dagaalkii hore ee looga guuleestay kooxda Al-shabaab oo aheyd in shacabka laga horgeeyay, hayeeshee haatan dowladda ay wado qorshe ah in ciidanka dowladda kaliya ay hoggaamiyaan wajiga labaad ee howlgalka, isagoona sheegay in sidaas wajiga labaad looga guuleeysan karin dagaalka Al-shabaab.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada, Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo aya la guuleysanaya. Meesha waxaa timid wax la dhaho islajaan qaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa isla jaan qaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto" ayuu yiri Xildhibaan Sambaloolshe

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Sambaloolshe ayaa imaanaya, iyadoo aad loo hadal haayo Wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah Al-shabaab ay qorsheyneyso dowladda iney ku qaado kooxda Shabaab.

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir  Maxamed Nuur Jaamac oo u muuqday inuu ka jawaabayo eedeynta Sambaloolshe u jeediyay dowladda ayaa sheegay in diyaar garow iyo dib u xoreyn ay ka socdaan deegaanada Hirshabeelle, Galmudug iyo degaano kale, islamarkaana dhawaan uu dalka uu ka bilaabanayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Deegaan waliba oo la xoreynaayo dadkiisa waan ka talogelinaa, waanan la tashanaa, cid waliba inta ka quseysa waa ka qeyb qaadataa, ma jirto cid laga tagayo, Hadda waxaan rejeyneynaa in ina harsan nagala qeyb qaataan, cid walba oo naga gacan siineysa dagaalka ka dhanka ah Shabaab way nagala qeyb qaadaneysa" ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.