4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2023
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Buurdhuubo oo ku dhaawacmay qarax gurigiisa loo galiyay
 

Sabti, Maarso, 11, 2023 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, Nuux Xasan Daa'uud ayaa ku dhaawacmay qarax gurigiisa loogu qariyay.

Falkaan oo dhacay shalay duhurkii, ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka labaad, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Lama oga cidda ka dambeysa falkan, hase ahaatee maamulka degmada Buurdhuubo ayaa ku eedeeyay falkan inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab.

Laamaha amniga ayaa falkan u xiray shakhsiyaad lagu tuhmayo inay soo abaabuleen, waxaana ku jira dad xilliga uu falka dhacayay ku sugnaa hoygiisa.

Qaraxyada nuucaan ah ayaa kusoo badanaya gobolka Gedo.

Sanadkii hore ayay ahayd markii sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa jiifka.

Sidoo kale taliyihii nabad sugidda gobolka Gedo ayaa lagu dilay qarax lala eegtay gaarigiisa xilli uu safar ku jiray.