4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku amartay Hay'addaha Gargaarka in mudo 2 bilood ah ugu soo guuraan gudaha Dalka
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa fartay hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya gudaha Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka laga bilaabo Maanta oo ay taariiqdu tahay 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023-ka, Iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kadib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Qorsheynta ayaa lagu wargeliyay in hay'adaha tababarada iyo shirarka ay qabsadaan iney ku qabsadaan gudaha dalka, iyadoona wasaaradu ay sheegtay iney gacan ka siin doonto hay’adaha sidii ay dalka Soomaaliya ugu soo guuri lahaayeen.

Talaabadaan ay Wasaaradda Qorsheynta qaaday ayaa imaanaysa, iyadoo hay'daha samafalka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya intooda badan xarumo ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Wasaaradda ay sheegtay in talaabo ku haboon ay ka qaadi doonto hay'addaha fulin waaya amarkaan.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya:-