4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2023
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Sabti, January, 28, 2023 (HOL) - Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dalka Senegal kulan kula qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Dr. Cilmi ayaa madaxweynaha Bangiga la wadaagay warbixin ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.

Wasiir maaliyadda ayaa sidoo kale madaxa Bangiga horumarinta Afrika uga warramay heerka uu marayo hannnaanka deyn cafinta dalka iyo horumarka laga sameeya.

Wuxuu u sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw, si ay u hesho mashaariic lagu kardhiyo dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumarka barnaamijka deyn cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka dhaqaalaha dalka.

Dr. Akinwumi Adesina ayaa sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.