5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2023
Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ka socda deegaan u dhow degmada Jalalaqsi
 

Arbaco, February, 15, 2023 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoraynta oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa haatan ka socda deegaano katirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ogaadeen xog ku saabsan in deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ay dagaalamyaal Shabaab ah isku arursanayeen.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen kooxda Alshabaab oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle.

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka helayno waxay sheegayaan inay ciidamada dowladdu khasaare culus gaarsiiyeen Alshabaab sida ay ku warramayso warbaahinta Dowladda oo soo xiganaysay saraakiil ciidanka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo haatan uu dagaal kale ka socda deegaano katirsan gobolka Mudug, halkaas oo ciidamada Dowladda iyo dib u xuraynta ay weerar ku qaadeen koox katirsan Alshabaab oo isku arursanayay goob qarsoodi ah.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday Shabaaab ku sugnaa meel dhinaca koonfureed ka xigta tuulada Qeycad ee gobolka Mudug.