5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la wareegayso hanti kaste oo lala xiriiriyo Alshabaab
 

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - Guddiga la-dagaalanka Lacag dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada ee dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ku wargaliyay in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda Alshabaab.

Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Alshabaab, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la leh  Shabaab.

Guddigan ayaa sidoo kale kusoo rogay shirakadaha ganacsiga, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha  inay iska diiwaangeliyaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex 3 usbuuc gudahooda ah.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka.