5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 13, 2023
Isimada SSC oo sheegay inay askar Somaliland ah oo isisoo dhiibay si nabad galyo ah ku geeyeen deegaankooda
 

Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay si nabad galyo ah dhinaca Somaliland ugu gudbiyeen askar iyo hubkooda oo iskusoo dhiibay.

Waxay garaadadu sheegeen inay diyaar u yihiin in ciidamada Somaliland ee Sool ka dagaalamaya si nabad galyo ah loogu fududeeyo inay ku laabtaan deegaankooda.

Isimada waxay sheegaan in aan cidna dhibaato loo geysan doonin, iyagoo ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan dhinaca bari magaalada Laascaanood ay xabbada joojiyaan oo ay deegaankooda si nabad galyo ah ugu laabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Somaliland ayaa badi ku sugan saldhigyo ku kala yaala Tukaraq, Gambara iyo Gooje-Cadde oo dhaca bariga gobolka Sool.

Ciidamadan iyo kuwa kale oo kasoo jeeda SSC ayaa maalintii 8aad ku dagaalamaya magaalada Laascaanood duleedkeeda. Waxayna Isimadu sheegeen inay socon weyday xabbad joojintii lagu dhawaaqay.