5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Qaranka iyo Ciribtirka Al-shabaab
 

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dardargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka kooxda Al-shabaab, shuruucda hortebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirka waxa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira howlgalada ka socda dalka ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab.

"Shirka waxaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha in shirka looga dooday Qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska ay ku hayaan kooxda Al-shabaab, islamarkaana dalka u gaaro horumar iyo cadaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka.