5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Fiiq ee dowlad degaanka Soomaalida

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shil gaari uu ka dhacay duleedka magaalada Fiiq ee xarunta gobolka Erar ee dowlad degaanka Soomaalida.

Gaadhiga shilka galay oo noociisu ahaa Isjiid ama Tracker ayaa waxa uu ka yimid dhinaca magaalada Godey isagoo siday Xabxab ama Qare, gaariga ayaa ku rogmaday duleedka magaalada Fiiq iyadoo sida lasoo sheegayo uu roob xooggan uu wakhtigaa ka da'ayay magaalada, waxaana ku dhintay shilkan hal 1 qof oo ahaa ninkii gaarigu u rarnaa iyo saddex kale oo iyagu dhaawac culus soo gaaray.

Bulshada ku dhaqan magaalada Fiiq oo usoo gurmatay gaariga shilka galay ayaa ugu dambayn waxaa lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo dadkii gaariga ku jiray oo uu ku jiro darawalkii gaariga oo gacanta ka jabay, sida dad goobjoogayaal ahi u sheegeen Warbaahinta.

Roobab xooggan oo is xigxigay oo maalmihii u dambeeyay ka da'ayay magaalada Fiiq iyo nawaaxigeeda ayaa waxyeello u gaystay jidadkii magaalada soo galayay, iyadoo sidoo kalena ay roobashaasi keeneen inay soo rogmadaan togo waawayn oo qaarkood markii dambe la tageen gawaari kale.