5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Hay'adaha samafalka oo gargaarka SSC loo marin jiray Somaliland usoo wareejiyay dhinaca Puntland
 

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in gargaarka gobolada SSC oo horey loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay usoo wareejiyaan dhinaca Puntland.

Arrintaan ayaa loo sababaynayaa colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, iyo iyadoo dadkii ka barakacay halkaas ay badi ku sugan yihiin Garowe iyo degaanada hoos yimaada gobolka Sool oo ay SSC ka taliso.

Shalay, hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar dawo iyo qalabka nadaafadda geysay Garowe, si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka soo barakacay.

Garaadada SSC-Khaatuma ayaa sheegay inay ogyihiin in mucaawinooyinkii beesha caalamku ay usoo marsiin jireen dhinaca Somaliland hadda kadib loosoo wareejinayo SSC.

Shalay, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in caalamku rumaystay hadalada dhinacyada kasoo horjeeda oo uu ula jeedo Puntland iyo SSC.