5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 3 , 2023
Madaxweyne Biixi: Waxaanu diyaar u nahay in xabada la joojiyo oo arrinta nabad lagu dhameeyo

Isniin, April, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

"Aniga iyo dowlada iyo shacabka Somaliland dhamaantood waxay ka midaysnaayeen ilaa imikana ay ka midaysanyihiin ariinta in xabada la joojiyo oo nabad lagu dhameeyo, marwalbana taasaanu u taganahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in hadii ay garaadadu midnimo rabaan looga garaabi karo, lakiin arrinta midnimada iyo kala go'a ay dowlada Soomaaliya uga masuultahay, oo ergayga dhawaan la magacaabay ay shaqadiisa tahay.

Waxa uu sheegay in dadka reer Sool ay qayb ka ahaayeen axdi qarameedkii Somaliland lagu dhisay, isla markaana wixii tabasho ah anay ahayn in dagaal loo maro, isaga oo cuqaal iyo siyaasiyiin reer Sool ah ku eedeeyay in ay sababeen dhibaatada Laascaanood.

Madaxweynuhu maamulka Puntland ayuu dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ku dacweeyay, isaga oo sheegay in maamulkaasi Soomaaliya kamid yahay hadana uu dagaalka si buuxda ugu jiro, loona bahanyahay in dowlada federaalku wax ka qabato.

Colaada magaalada Laascaanood ayaan ilaa hada loo helin xal, isla markaana waxa fashilmay dadaalo dhexdhexaadineed oo ay sameeyeen dowlado iyo odayaal dhaqameed, waxaana dhacay dagaalo khasaare nafeed iyo hantiyeedba gaystay.

Garaadada ayaa shir ay yeesheen kacdoonkii Laascaanood kadib ku go'aamiyay in deegaanada SSC ay dib ula midoobaan dowlada Soomaaliya, taasi oo ah qodobka ugu wayn ee ay colaada Laascaanood ka taagantahay hada.