5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Taliye ku xigeenkii hore ee Saldhiga Booliiska Baledweyne oo goordhaw lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa goordhaw oo galabta ah ku dilay Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne sarakaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska degmada Baledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Taliye Nuur Xasan Bidaar oo loo yaqaliinay Nuur Xasaneey, kaasoo horay usoo noqday Taliye ku xigeenka Saldhiga ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne.

Dilka sarkaalkaan ayaa ka dhacay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Buundweyn gaar ahaan laanta Isbartiibo

Dableyda dilka geysatay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen sarkaalka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne oo halkaasi baaritaano ka sameeyay, walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka.

Dilka sarkaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo amaanka magaalada Baledweyne uu ahaa mudooyinkii dambe mid soo hagaagayay, tan iyo markii ay dhalatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.