5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Beesha caalamka oo ku baaqday in colaada Laascaanood la joojiyo

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Safiiro ka socda 15 waddan oo reer galbeed ah, oo dhawaan kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxweynaha Somaliland, ayaa ku baaqay in xabad joojin Laascaanood laga hirgaliyo.

Qoraal ay si wada jira usoo saareen ayay ku sheegeen in loo baahanyahay in bad qabka shacabka waxkasta laga horaysiiyo, isla markaana ciidamada la kala fogeeyo, oo laga shaqeeyo in dadka barakacay gargaar la gaadhsiiyo.

Waxa lagu sheegay in dhinacyadu marar kala duwan ku dhawaaqeen xabad joojin lakiin anay hirgalin, loona baahanyahay in dhinacyadu ay tanaasul sameeyaan si fursad loo siiyo wada xaajood, waxayna soo dhaweeyeen cidkasta oo dadaal dhexdhexaadineed wada.

Waxa lagu sheegay in waddamadani ay soo dhawaynayaan go'aanka madaxweynaha Somaliland ee ah in uu colaada ku dhameeyo wadahadal iyo nabad, iyo in uu ka shaqaynayo in dadka la gaadhsiiyo gargaar.

Bayaanka ayaa inta ku daray in saaxiibada caalamiga ah ay niyad jabisay in madaxweyne Biixi uu diiday in uu ciidamada ka qaado furimaha magaalada Laascaanood ku hareeraysan.

Waddamada bayaanka ku sexeexan ayaa kala ah Ingiriiska, Maraykanka, Finland, Canada, Denmark, Belgium, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Norwey, Sweden, Turkiga, Ireland iyo Midowga Yurub.