5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Puntland: Guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka oo la faray in aan qofna urur siyaasadeedka uu katirsan yahay shaqada looga joojin karin

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa faray guddoomiyaasha gobolada iyo Degmooyinka in aan qofna aragtidiisa siyaasadeed iyo urur-siyaasadeedka uu ka tirsan yahay awgeed  shaqada looga joojin karin, laguna cadaadin karin.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii shalay laamaha amniga Garowe ay xireen mid kamid ah guddoomiyayaasha xaafadaha Garowe, sababa lala xiriiray inuu diiday inuu la shaqeeyo ururka Kaah uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Maalmo ka horna, waxaa jiray in qaar kamid ah agaasimaayaasha maamulka degmada Garowe shaqada looga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inay ku biireen ama u ololaynayeen ururada mucaaradka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xaquuqaha dastuuriga ah ee shacabka Reer Puntland si loo qabto doorasho hufan oo lagu wada qanacsanyahay.

Si kastaba ha ahaayee, bisha may dabayaaqadeeda ee sanadkan ayaa loo madlan yahay in 37 degmo oo katirsan Puntland laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose.

Balse, ururada mucaaradka ayaa ka walaacsan kalsoonida lagu qabo doorashooyinkaas, xilli maamulka lagu eedeynayo in shaqaalaha maamulka lagu qasbayo inay taageeraan ururka muxaafidka ah ee Kaah.