5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Sheekh Suufi oo kamid ahaa culimada ugu waa wayn gayiga Soomaalida oo Hargaysa ku geeriyooday

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed oo ahaa culimada loo daba fadhiisto cilmiga diinta, ayaa magaalada Hargaysa ku geeriyooday isaga oo 98 jir ah.

Sheekha oo soo noqday wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland, ayaa ahaa caalim ku xeel dheer cilmiga diinta gaar ahaan tafsiirka Qur'aanka, luuqada iyo fiqiga, isaga oo soo saaray culimo badan oo caan ah.

"Waa sheekh dadka Afka-Soomaaliga ku hadla oo dhani ay wax ka barteen, waxaana uu wax baray arday badan...waxaana uu geeriyooday isaga oo tafsiirka Qur'aanka dhiga" Wasiirka Diinta Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa sida BBC u sheegay.

Culimad sheekha ka aflaxday waxa ugu caansan Sheekh Maxamed Macalin, Sheekh Shariif Cabdinuur, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Samatar, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin, Sheekh Axmed Dhimbiil iyo culimo kale oo badan.

Sheekh Suufi ayaa sidookale ahaa xaakin dadka kala xukuma isaga oo maxkamad shareecada Islaamku u saltahay ku laha meel u dhow masaajidka caanka ah ee Ibraahin Dheere oo uu mudo dheer cilmiga diinta dadka ku bari jiray.

Suufi waxa uu kamid ahaa culimada ugu da'ada waa wayn ee qarnigan nool, wuxuuna ahaa imaamka mufasiriinta Qur'aanka kariimka, sida uu Sheekh Cabdirisaaq Rakuub oo sheekha aqoon dheerada u lahaa ku sifeeyay.

Sheekha ayaa lagaga tukan doona masaajidkii Ibraahin Dheere ee uu dadka wax ku bari jiray, waxaana lagu aasi doonaa xabaalaha Qudhaca-Abuuriin, oo hooyadii iyo aabihii ku aasanyihiin.