5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo u ololeynaya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay
 

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Bisha soo socota, Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u eegis ku sameyn doona cunaqabateynta South Sudan, si la mid ah Soomaaliya.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxay rajeyneysaa in xayiraadda laga qaado. Juba ayaa rajeynaysa in daaha gadaashiisa ay uga ololeeyaan xubno kamid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamida ah waddamada si cad ugu baaqay in la qaado xayiraada hubka ee saran dalkaas.

Arrintaan waxay kusoo aaday xilli toddobaadkii hore, Golaha Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ahayd inay tixgeliso codsiga soo noqnoqda ee Soomaaliya si looga saaro xayiraadda hubka.

Golaha oo la tacaalaya khataraha amni ee Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta saaran “si loo xaqiijiyo in dalku uu si ku filan u qalabeeyo ciidankiisa si wax looga qabto khataraha amni ee Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, xilli uu isku diyaarinayo in uu la wareego talada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku celiyay in xayiraadaasi ay waqtigeedu dhaaftay ka dib markii uu marti geliyay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud Antonio Guterres.