5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Madaxweyaha Soomaaliya oo ka codsaday IGAD inay mawqif adag ka qaataan dhibaatada ka jirta Suudaan

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka codsaday madaxda IGAD inay mawqif adag ka qaataan dhibaatada ka jirta Suudaan, si loo soo celiyo nabadda dalka, isagoo ka codsaday madaxda inay soo diraan wufuud ka socota IGAD si ay xaaladda u soo farageliyaan.

Madaxweynaha ayaa Axaddii ka hadlay kulan dhanka Internetka ah oo uu la yeeshay Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kaasoo looga hadlayay ammaanka sii xumaanaya ee Suudaan.

Kulanka degdega ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha Salva Kiir (South Sudan), Yoweri Museveni (Uganda), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo William Ruto (Kenya).

Hogaamiyayaasha ayaa ugu baaqay golaha ku meel gaarka ah General Abdel Fattah al-Burhan iyo General Mohamed Hamdan Dagalo in ay joojiyaan dagaalka ayna ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka.

IGAD waxay go’aansatay inay u dirto Madaxweyne Kiir, Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Geelle wakhtiga ugu macquulsan si ay u heshiiyaan kooxaha isku haya.

Waxay sheegeen in xasiloonida Suudaan ay fure u tahay wanaagga bulsho iyo dhaqaale ee gobolka.

Colaadda, ayay raaciyeen, in ay wiiqayso horumarradii nabadeed ee la gaaray afartii bilood ee la soo dhaafay.