5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo qarka u saaran la wareegista deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan


Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 45KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano dhaca Koonfurta magaalada Baledweyne, isalamrkaana fariisimo ka sameyteen deegaanada kala ah Baardheere, Beerxaano, Burdaar, Ceel lahela iyo Nuur Fanax oo ay Al-shabaab mararka qaar si dhuumaaleysi ah ku tagi jireen.

Ciidamada iskaashanaya ayaa lasoo warinaya in haatan ay qarka u saaran yihiin la wareegista deegaanka Booco oo dhaca dhinaca Koonfureed ee jiinka wabiga Shabeelle, waxaana deegaankaan uu ka mid ahaa deegaanadii ugu muhiim sanaa ee Shabaab laga saaray, inkastoo ay dib ugu soo laabteen markii halkaasi ay soo baneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Wararka kusoo dhacaya Xafiiska Shabakada HOL ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalada ciidamada is garabsanaya ay qeyb ka yihiin diyaradaha dagaalka oo ay leeyihiin saaxiibada Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Ururka Al-shabaab, hayeeshee wali ma dhicin wax iska hor imaad ah oo dhexmaray ciidamada Huwanta ah iyo Kooxda Al-sbabaab.

Howlgaladaan ayaa imaanaya, iyadoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu bilaawgii bishaan uu ku dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalada la dhanka ah Ururka Al-shabaab.