5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 17, 2023
SSC-Khaatimo oo Somaliland ku eedaysay in ay faafinayso warar marin habaabin ah

Isniin, April, 17, 2023 (HOL) - SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay faafinayso warar ay ku marin  habaabinayso caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

War-saxafadeed ay SSC-Khaatumo soo saartay ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi ay safiirada caalamku u sheegeen in uu ciidamadiisa Oog geeyo lakiin uu taasi ku xidhay in Puntland ciidamadeeda kala baxdo gobolka taasi oo SSC ku sheegtay marin habaabin.

"SSC-Khaatimo waxay arrintaasi u aragtaa mid uu maamulka Somaliland kaga dhuumanayo wajihida waaqiciga dhabta ah, madaama dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ogyihiin xaqiiqooyinka jira" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Waxa lagu sheegay in anay jirin ciidamo Puntland ah oo ka dagaalamaya Laascaanood, lakiin dadka deegaanka oo kali ahi ay difaacayaan deegaanka.

Ugu danbayn, waxay SSC-Khaatumo Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo deegaanada SSC.