5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2023
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo weerar ku qaadeen farriisin Shabaab ku lahaayeen degaan katirsan Budbud

Axad, April, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xooggaga xoreynta deegaanka, ayaa saakay weerar culus ku qaaday fariisimo Alshabaab ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoos tagta deegaanka Budbud.

Wararku waxay sheegayaan in howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan lagu dilay sagaal ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo haatan uu wali howlgalku sii socdo.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta degaanka ay qabsadeen degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Alshabaab ay muddo dhowr iyo toban sano ah haysteen.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah wajigii labaad ee dagaalka ka dhan ah Alshabaab, kaasoo dowladdu ay doonayso inay ku nadiifiso degaanada weli Shabaab ku harsan yihiin sida degmada Ceelbuur, Wabxo, Galhareeri iyo degaanada hoos yimaada.

Dowladda Soomaaliya oo howlgalladii hore ku weyday saraakiil muhiima oo laf dhabar u ahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab, ayaa haatan xoojinaysa amniga degaanada la xoreeyay, iyadoo la geeyay ciidamo aad  badan oo iska caabin kara weerarada Alshabaab.