5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2023
Seddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Mooto Bajaaj ay wateen kula qaraxday Degmada Xamar-Jajab

Axad, April, 16, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo saakay ku qaraxday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir ayaa lagu sheegay Mooto bajaajta qaraxday iney si xoog ah kusoo gudubtay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taala degmadaasi, islamarkaana ciidanka oo ceeyrsanaya iney ku qaraxday waaxda Jenaraal Daa'uud.

“Abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa  dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday  Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka,  qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Qoraalka Taliska Booliiska gobolka Banaadir kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaris lagu wado dhacdadaan oo wixii kasoo kordha dib laga soo gudbin doonno, waa qaraxii labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho tan iyo markii laguda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.