5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 16, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Suudaan
 

Axad, April, 16, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Khartum ee u dhaxeeya ciidamada qalabka sida Sudan iyo ciidamo gurmad ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada dagaallamaya in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed," ayaa lagu yiri bayaanka ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan.

Xaaladda Khartuun ayaa waxaa lagusoo waramayaa inay tahay mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka.

Dad Soomaaliyeed oo u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.

Ardaygan oo la hadlay BBC Somali ayaa u sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan. Wuxuu sheegay in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.

Milateriga ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada gurmadka degdega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.