5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2023
Madaxweynaha Somaliland iyo beesha caalamka oo ka wadahadlay xaalada Laascaanood

Sabti, April, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland iyo dibulumaasiyiin reer galbeed ah, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga wadahadlay xaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyay sida uu ku bilowday dagaalka Laascaanood, isaga oo garaadada ku eedeeyay in ay dagaal keeneen magaalada Laascaanood, xili xukuumadu ka rajaynaysay in ay nabadaynta ka qaybqaataan.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su'aal ay dibulumaasiyiintu waydiiyeen, oo ku qotontay hadii ay suuragaltahay in ciidamada Somaliland laga fogeeyo magaalada, ayuu madaxweynuhu sheegay in anay suuragal ahayn taasi ilaa oo ciidamada ka yimid deegaanada Puntland ay laabtaan.

Hoos ka akhriso warxaafadeed kulanka kasoo baxday oo faah faahsan:-