5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2023
Ciidanka dowladda oo 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ku dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Sabti, April, 15, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Janaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duuleedka degmadaasi lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynaayay iney jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in duuleedka degmada Janaalle ay ku dileen 10 xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, xili ay ku howlanayeen weerar gaadmo ah oo ay la beegsan rabeen ciidamo ka tirsan ATMIS.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadashay warbaahinta qaranka waxay sheegeen in ciidamada ay ku guuleysteen iney ka hortagaan weerar ay ku qorsheynayeen iney la eegtaan kolanyo ka tirsan ATMIS oo ku socdaaleysay duuleedka degmada Janaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Fashilinta weerarka Al-shabaab ee looga dilay 10-ka dagaalame ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana gobolada qaar ee dalka uu ka bilaawday wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.