5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir saddex geesood ah oo ka dhacay dalka Itoobiya


Sabti, April, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uga qeybgalay shirka saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shirkaan saddex geesoodka ah ee u dhaxeeyay Madaxda dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa ahaa mid looga hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana kulanka lagu lafo guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalkeenna, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaariijta Al-shhabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa dhankooda bogaadiyey guulaha laga gaaray wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka gobolka iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Waddamada safka hore ee dariska la ah Soomaaliya.