5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2023
250 Soomaali ah oo doonayay inay u safraan Laatiin America oo diyaaradii ay raaci lahaayeen lagu xannibay Turkiga

Sabti, April, 15, 2023 (HOL) - Tiro ka badan 250 Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Soomaalidan ayaa doonayay inay u safraan dalka Nicaragua ee dhaca qaaradda Laatiin  America, halkaas oo ay qorsheynayeen inay ugasoo tahriibaan dalka Maraykanka.

Soomaalidan oo qarash badan uga baxay safarkooda ayaa haatan wajahaya xaalad jahwareer ah, kaddib markii diyaarad ay kiraysteen lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Diyaarada ay kiraysteen oo lagu magacaabo Air Anka, ayaa dhowr maalin safarkeedu dib u dhacay, markii dambe waxaa la sheegay in laga saaray systemka duulimaadka garoonka Istanbul

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dullaaliin Soomaali iyo Turkish ah ay qorshe been abuur ah u maleegeen Soomaalidan, si ay dhaqaale badan uga qaataan.

Diyaarada ayaa lagula heshiiyay inay dadkan geyso dalka Nicaragua, waxaana safarkaas ku baxday lacag lagu sheegay labo milyan oo dollar, iyadoo qofkiiba laga qaatay lacag u dhaxeysay 4,000-6,000 dollar

Dadkan ayaa isugu jira kuwa ka yimid dalka Soomaaliya, kuwa horey u joogay Turkiga iyo qaar kaloo ka yimid Hindiya iyo dalal kale oo Afrika iyo Eeshiya katirsan.

Bilihii ugu dambeeyay Soomaali badan oo ay ku jiraan qaar caanka ah baraha bulshada, ayaa si tahriib ah ku galay dalka Maraykanka, iyagoo usii maray dalal ay kamid tahay Mexico.

Soomaalidan ayaa dalkaas tagay, xilli uu Maraykanka ka fiirsanayo waxa laga yeelayo soo galootiga kusoo qulqulaya dalkooda.